shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxda Dawladda Federaalka oo si wadajir ah usoo saaray Warmurtiyeed

(Muqdisho,  April 30,  2010 Ceegaag Online)

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Sheikh Aden Maxamed Nuur iyo Ras’iisul Wasaaraha Xukuuadda FKMG, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali-Sharmaarke waxay mahad ballaaran u soo jeeddinayaan dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo ergeyga Madaxweynha Jabuuti ahna Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee dalka Jabuuti Mudane Xaamud Cabdi Suldaan oo gacan weyn nagu siiyey xallinta khilaafka baarlamaanka soo dhex-galay.

Madaxda Qaranku waxa ay ku midaysan yihiin dareenka ah in dhammaan hay’adaha dastuuriga ah iyo xubnaha Baarlamaankuba ay ku dadaalaan hir-gelinta waajibaadka qaran ee loo wada dhaartay.

Madaxda Qaranku waxay gar-waaqsan yihiin in sii socoshada khilaafka soo dhexgalay baarlamaanka aysan xamili karrin hay’adaha curdanka ah ee dastuuriga ah ee DFKM iyo shacabka Soomaaliyeedba.

Sidaas darteed ayay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaruhu u go’aansadeen in ay u caddeeyaan shacabka Soomaaliyeed, mudanayaasha Baarlamaanka, xubnaha golaha Wasiirada iyo bulshada caalamka, gaar ahaan saaxiibada Soomaaliya, in masuuliyiinta sare ee Qaranka Soomaaliyeed ay midaysan yihiin, una taagan yihiin in ay ku shaqeeyaan kana mira dhaliyaan mabaadiiddii iyo himilooyinkii loo soo dhisay DFKM.

Madaxda sare ee Qaranku:

1. Waxay isla garteen in khilaafka lagu xalliyo si waafaqsan sharciga iyo maslaxadda Qaranka,

2. Waxay isla garteen in baarlamaanku uu bilaabo fadhiyadiisa caadiga ah, si uu u guto waajibaadka horyaalla,

3. Waxay ballan-qaadaysaa xukuumaddu in ay gacan ku siiso baarlamaanka sidii uu u gudan lahaa hawlihiisa,

4. Waxay adkaynayaan in ay lagama maarmaan tahay xoojinta wada shaqaynta xukuumadda iyo baarlamaanka,

Sidoo kale, masuuliyiinta Qaranku, waxay ballan-qaadayaan in loo xaliyo wixii ka dhashay khilafka si ay ku jirto niyad-sami iyo masuuliyad.

Madaxda Qaranku waxay uga mahad-naqayaan mudanaayasha baarlamaanka duruufihii adkaa ee ay ku shaqeeyeen iyo gacanta ay ka geysanayaan xallinta khilaafka, waxaanna ugu baaqaynaa in ay sii laban laabaan dadaalka si marxaladdaan adag looga gudbo.

Mar labaad, waxaan si weyn ugu mahad naqaynaa Mudane Xaamud Cabdi Suldaan oo kaalin aad weyn ka geystey is-fahamkii la gaaray.

Sharif Sheekh Axmed
Madaxweynaha Soomaaliya

Cumar Cabdirashid Cali-Sharmaarke
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Sheekh Aden Maxamed Nuur
Guddoomiyaha Baarlamaanka

Muqdisho, Soomaaliya, Jimce, April 30, 2010

webmaster@ceegaag.com