shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jabhada ONLF oo maanta Weerar ku Qaaday degmada Danood, Xaaqdayna masuuliyiinteedii ilaa heer degmo.

(Danood,  April 18,  2010 Ceegaag Online)

Wararka hada naga soo gaadhay Degmada Danood oo katirsan gobolkaasi Wardheer ayaa ku soo Waramaya in Jabhada dagaalka kula jirta dawlada Itoobia Weerar maanta ku Qaaday degmada Danood kuna dishay masuuliyiintii degmadaasi ilaa heer degmo kadib weerar maanta ka dhacay degmadaasi danood oo sababay dhimashada ugu yaraan 9 ruuxi oo Qaarkood ka soo Jeedaan deegaanada SSC.
 
 
Dagaalkaasi ayaa maanta yimid kadib markii jabhada ONLF saaka waabarii weerar ku soo Qaaday degmada Danood oo ku dishay masuuliyiintii Maamulka degmada Danood oo isugu jira dhamaan waaxyaha dawlada deegaanka Itoobia, masuuliyiin maanta lagu dilay magaalada Danood ayaa Qaarkood ka soo Jeedaan deegaanka SSC, demada Danood ayaa 140km dhinaca galbeed ka xigta Buuhoodle
 
 
Isgaadhsiinta  ooah  deegaankaasi mid aan ka jirin oo go'an ayaanay jirin warar faah faahsan oo caawa halkaasi laga heli karo Ceegaag.com ayaana caawa Xidhiidho badan oo la samaytay gobolka wardheer taleefoonku aanu noogalin, waxanu idiinku soo gudbin doonyaa magacyada dadka dhinta wararkeena danbe.

Ciidamadan Jabhada ayaana iyagu bixin wax digniinna markay weerarayaan degaanada ay doonayaan inay calqaladeeyaan nidaamka gumaystaha Itoobiya balse weerarkan ayay uga digeen masuuliyiintaa reer Danood inay ka waantoobaan la shaqaynta Itoobiya.
 
Ceegaag.com
News.com

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com