shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Iska horimaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo dhexmaray laba Beeleed oo ka soo kala Jeeda gobolada Sool iyo Mudug deegaanka Cagaare

(Cagaare,  April 08,  2010 Ceegaag Online)

Wararka Maanta naga soo gaadhay deegaanka Cagaare oo katirsan oo katirasan gobolka Sool ayaa maanta ku soo Waramaya in magaalada Cagaare mar kale iska horimaad hubaysani ku dhexmaray labo beeleed oo ka soo Wada Jeeda gobolka Mudug iyo Sool oo horay dagaal Qadhaadhi ugu dhexmaray deegaanka Cagaare oo katirsan gobolkaasi Sool.

Wararka Maanta halkaasi laga helayo ayaa ku soo waramaya in iska horimaad sababay dhimashada 2 ruuxi oo laba dhinaca ahi dhexmaray maleeshiyaad ka soo Wada Jeeda gobolada sool iyo Mudug oo iyagu dhowr jeer oo hore dagaal ku dhexmaray deegaanka cagaare oo labada Beelood haatan ka hor dagaal xoogani ku dhexmaray.


Warka ayaa intaasi ku daraya in guud ahaan deegaankaasi Cagaare maanta laga dareemayo Xiisad colaadeed iyo Hub uruursi ay Wadaan dhinacyadii halkaasi habeenimadii xalayto ku dagaalamay mana jiraan wax dadaal ah oo ay Wadaan dhinacyada labada waxgarad ee haatan colaadu ka soo Cusboonaatay.

Horay ayaa labadan beelood oo kala dhex dhigay Heshiis farabadan mana jiraan wax Heshiisyadaasi hore ka hir galay, oo labada Beelood ay mid koodna aanay dhaqan galin waxba dagaaladaasi beelahaasi ku salaysan yahay dhul daaqsimeed deegaanka Cagaare hoostaga, waxna kaloo ku dhintay dagaalada labadaasi Beelood ugu yaraan 25 ruuxi oo labada dhinacba ah.


Ali dhagjar
Ceegaag.com
Garoowe

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com