shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Isimo Cuqaal iyo waxgarad ka kala socda beelihii dhawaan ku dagaalamay Cagaare oo gaadhay isla Goobtii lagu dagaalamay maanta

(Cagaare,  April 18,  2010 Ceegaag Online)

Kadib markii todobaadkii hore dagaalo dib uga soo laabteen deegaanka Cagaare oo dagaalkaasi sababay dhimasho iyo dhaawac, ayaa hada waxan deegaanka Cagaare Gaadhay Waxgarad ka kala socda laba dhinac ee dhawaan deegaanka Ergoo ku dagaalamay sidoo kale wax deegaanka cagaare maanta gaadhay waxgarad farabadan oo ka soo kala Jeeda gobolada puntland Guud ahaan.
 
Isimo Cuqaal, waxgaradkale iyo dhalinyada Nabada Jecel ayaa markii ugu horeeyey gaadhay isla Deegaanka Cagaare sida Maanta Ceegaag.com u sheegeen Qaarkamid ah Howl wadeenada labada dhinaca iyo waxgarad kale oo magaalada garoowe kaga jira Diyaar garow xoogan oo lagu dhexgalayo labada dhinac ee dagaaladu dhowrka Jeer dhexmareen.
 
Isimada iyo waxgaradkan ayaa ka kala tagay magaalooyinka Gaalkacyo laascaanood, burtinle iyo garoowe waxaana dhamaantood ku sii Jeedaan deegaanka Cagaare oo haatan laga soo sheegayo inay gaadheen meelihii lagu dagaalamay maleeshiyaad ka soo Jeeda laba dhinac, waxna taasi Cabsi Xoogan ku abuurtay guud ahaan mandaqada iyo dadka jecel nabad oo ka soo horjeestay dagaal mar kale halkaasi ka dhaca.
 
Colaada labadan Beeleed ayaa soo Jiitamaysay Mudo sanado ah, Waxaana dhow Jeer oo hore ay kala saxeedeen beelahani heshiisyo farabadan mana jiraan wax heshiis ah oo Beelahaasi ka Hir galay,waxna taasi Caqabada ku noqotay waxgaradka labada dhinac oo aad uga muragsan Colaada labada Beeleed.
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com