shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Howlihii Kaluumeysi ee Kaluumeysatada Hobyo Oo maalintii Xidhan iyo Cabashooyin ka soo baxay dadka deegaanka Hobyo

(Hobyo,  April 28,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa hakad ku jira Maalintii 5 aad dhaq dhaqaaqii ganacsi ee kaluumeysatada Degmada Hobyo ee gobolka Mudug ka dib markii maalmo ka hor uu degmadaasi yimid markab laga leeyahay dalka Ukraine markabkaasi oo khasaare xoogan soo gaadhsiiyey kalluumaysatada gobolkaasi mudug, kadib markii uu kalluumaysatada degmada Hobyo ka Gubay doonyo iyo dhamaan waxii agab ahaa ee ay Xeebaha kaga shaqaysan jireen.

Waxaana hada soo baxay cabasho xoogan oo ka soo baxay kalluumaysatada degmada hobyo oo walaac xoogan ka muujinaya xaalada ay ku sugan yihiin, waxgaradka degmadaasi oo dhinacooda Warbaahinta somalia  Waraysiyo siinaya ayaa ugu baaqay Dawlahada iska leh maraakiibtu inay xeebahood kala baxaan maraakiibta iyo Ciidamada ka jooga biyaha somalia.

Markabkan ayaa waxaa weheliyay maraakiib kale oo dagaal waxaana kuwaasi hada ay ku sugan yihiin degmada Xarardheere sida ay sheegeen dad ku sugan degmadaasi xarardheere, maraakiibtaasi ayaa waxaa ay ka muuqanayaan xeebta degmada Xarardheere, guud ahaanba Wax cabasho xoogani ka soo yeedhaysaa dadka deegaanka degmada hobyo oo ka cabsi Qaba in dushooda ay ku dagaalamayaa kooxaha burcadbadeedka ah iyo Maraakiibta dagaalku oo hada isu muuqda.


 

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com