shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Habeenkii Saado Ali Iyo Minnesota

(Minnesota,  April 25,  2010 Ceegaag Online)

Waatuma Saado Cali Warsame? Waa warbixinka hadlasa Taariikh suugaaneedka fanaanada, waxaa soo diyaariyay Huruuse waxaana soo tabinaya Khadar Maxamed Xaashi Dhagayso

Waxaa lagu qabtay Magaaladda Mnpls ee gobolka Minnesota. xaflad si fiican loo qabanqaabiyay oo lagu sharfayay fanaanadda wadaniyadda Saado Ali Warsame. oo ay bahda hablaha SSC iyo Dhamaan dumarka kale ee Soomaaliyeed  waji faraxsan iyo qalbi furan ugu soo dhaweeyeen xafladdan.


Xafladdan oo ilaa 5 saac socotay ayaa waxay isla markiiba buux dhaaftay meeshii loogu tago galay dadka. "ilayn gacal isma ciriiryo" halkii ciyaaraha hiddaha iyo dhaqan si fiican ay ugu boodeen gabdho iyo wiilal si fiican loogu soo carbiyay.


WQaxaa halkaas lagu xusay  fanaanada (saado)  tariiqdeedii iyo  heesihii kala duwanaa oo ay horay ugu  soo qaaday Uma soomaaliyeed ku waas oo isu jiray jacayl iyo wadaniba.


Saado waxaa halkaas  laga  sheegay hadalo  ku saabsan tariiqdeeda,oo ay ka marag kaceen dad kala duwan oo ka mid ah bulshada  SSC-da iyo dadka kale ee Soomaaliyeed inay tahay fanaanad wadaniyadda;
Saado ayaa iyaduna waxay ugu danbayntii ka hadashay xafladii  oo ay sheegtay  inay jecelshahay inay Soomaaliya Afrika wax la qaybsato, oo dagaalka iyo qabiilka iska iyo kala qoqobnaanta la isaga baxo. 


Saado ayaa waxay ku  cadaysay hadalkeeda inay  mar walba u istaago  dad waynaha. Saado waxay sheegtay inay horay isu taagtay dadka kale ee Soomaalida oo ay heeso ka qaaday sida ogadeenaya way xoroobe iyo  dal qura. 
fanaanada ayaa waxaa farxadan ku weheliyay caruurteed iyo asxaabta kale ee ku dhaqan magaaladda ay dagan tahay oo iyagu soo galbiyay.

    Ka Daawo Sawirada Halkan Hoose

webmaster@ceegaag.com