shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ganacsato Soomaaliyeed oo heshiis hordhac ah la galay Ganacsato reer Turkey ah (Daawo). 

(Istanbul,  April 28,  2010 Ceegaag Online)

Wafdigan Ganacsatada  Soomaalida ah oo dhawaan soo gaaray Dalka Turkiga gaar ahaan Magaaalada İstanbul oo ah Caasimad Dhaqameedka Wadamada Midowga Yurub 2010,ayaa waxay Shirar iyo kulamo kala duwan la qaateen Qaar kamid ah Ururada Ganacsiga iyo Shirkadaha Ganacsiga ugu waaweyn ee Dalka Turkey-ga.

Shirkan ayaa ahaa kii ugu balaarna ay  kasoo qeybgalaan tiro Ganacsato Soomaaliyeed oo danaynaya Maalgashi inay ku Sameeyaan Turkiga, waxaa hadal gaaban ku furay kulanka Mr: Tomer Taskin  oo ah Madaxa Hay’ada Xiriirka Dhaqaalaha Dibada ee Turkiga; ( Forien Economic Relation Board), Soo Dhaweyn ka gadaal waxuu halkaasi laga aqriyay xiriirka weyn ee Labada dal Soomaaliya iyo Turkiga iyo sida iminka loogu Baahanyahay in loo horumariyo Xiriirka ganacsi ee labada Wadan. 

Waxa iyaguna Dhankooda u hadlay wafdiga Soomaalida Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Rugta Ganacsiga Maamul gobleedka Puntland Mr. Maxmed Caydiid jaamac oo isaguna ka Warbixiyay wax Qabadka Rugta Ganacsıga Puntlan iyo Ganacsiga Soomaaliya halka uu maraayo.

Ugu danbeyn waxa Shirka ka hadlay Uqeybsanaha Arimaha Ganacsıga Safaarada Soomaaliya ee Turkiga  Mr. C/fatax Warsame Rooti  isaga oo xuasay wax yaabahii u hirgalay intii uu xafiiskani furnaa  sida uu isugu xiray Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Ganacsatada reer Turkiya, Mr. C.fatax waxuu ugu baaqay Dhammaan Ganacsatada in ay ka ganacsan karaan Turkiga Xafiiskooduna uu gacmo furan iyo niyad sami wax ula qaban doono.

Gabagabadii Ururada iyo Ganacsatada ayaa amaanay kaalinta xafiiska ganacsiga iyo dadaalka weyn uu sameyaya uqeybsanaha Ganacsiga Safaarada Soomaliya ee Turkiga, İyadoo ka qeyb galayaasha Shirka ee labada wadan ay kala Saxiixdeen heshiisyo hor udhac ah iyadoo Shirku kusoo gabagabooway isfahan iyo wada shaqeyn.

Mukhtaar Isaaq Yabarow

Istanbul-Turkey

webmaster@ceegaag.com