shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gaadiid u kiraysan WFP oo ku xayiran magaalada laascaanood maalintii afraad.

(Laascaanod,  April 26,  2010 Ceegaag Online)

Magaalada laascaanood waxaa maalintii afraad ku xayiran gaadiid u kiraysan Hay'adda Cuntada adduunka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano WFP Gaadiidkaas oo u rarnaa gobolada dhexe ee soomaaliya ayaa ku xaniban magaalada laascaanood, kadib markii koox dabley ahi ay ku afduubeen duleedka magaalada tukaraq waxaana afduubkaasi kadib halkaa gaaray ciidamada booliska magaalada garoowe oo iyagu shuftadaas iska horimaad uu ku dhex maray deegaanka tukaraq hal qofna ku dhintay midkalena uu ku dhaawacmay qaar ka tirsan shuftadaasna oo lasoo qabqabtay.

Waxana hadana soconaya dadaal xoogan oo loogu jiro sidii gaadiidkaas ugu bixi lahaa magaalada laascaanood una gaadhi lahaa gobolada dhexe ee soomaliya oo ay u Wadeen Mucaawimo ay ku deeqday WFP si loo gaadhsiiyo dadka ku tabaalaysan gobolada dhexe ee dalka.

Maaha markii ugu horeysay oo ay gaadiid noocaas oo kale ahi oo u kiraysnaa hayada WFP lagu xayiro magaalada laascaanood iyagoo dareewaliintu ay cabasho ka muujinayaan safarkooda dhanka amaanka, xilliga ay wadaan raashinka Mucaawimooyinka oo ay weeraro kala kulmaan degaanada ay marayaan xilliga ay safarka ku jiraan..

Cali Dhagjar

Laascaanod

webmaster@ceegaag.com