shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaalkii Eeragoo oo maanta istaagay iyo Baaqyo Nabadeed oo ay soo Jeedinayaa dhinacyada dagaalamay.

(Eeragoo,  April 14,  2010 Ceegaag Online)

Kadib markii maalinimadii shalayto dagaal xoogani deegaanka Eeragoo ku dhexmaray laba beeleed oo ka soo Wada Jeeda degmada burtinle ee gobolka nugaal iyo gobolka sool ayaa maanta wararkii ugu danbeeyey ee Ceegaag.com deegaankaasi ka helayso ku soo Waramayaa in xaaladu maanta galinkii hore ay degan tahay, inkastoo ay labadii dhinac ee maalintii shalay dagaalamay Wadaan Hub uruursi xoogan kana Wadaan Deegaanadii lagu dagaalamay.

Khasaaraha dagaalkaasi shalay ayaa lagu soo Waramayaa inuu gaadhay 7 mid kamid ahi ay haweenaytay waxna khasaaraha ugu badani uu gaadhay beesha ka soo Jeeda gobolka sool oo dagaalkii shalay looga dilay oo kaliya 6 ruux halka labo kalena looga dhaawacay.

Guud ahaanba Waxa hada soo baxay Baaqyo ay Jeediyanaa Waxgaradka laba dhinac oo loogu baaqayo Beelaha walaalaha ah inay dagaalka joojiyaan iyo xabada sida ugu dhakhsaha badan, warbaahinta Waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay Isimada waxgaradka iyo aqoonyahaniinta oo ugu baaqay kooxaha dagaalamay ay joojiyaan dagaalka ay Wadaan.

Colaada labadan Beelood ayaa gaadhay sanadkii afraad waxaana ku dhintay dad gaadhay in kabadan 35 ruuxi oo ka soo kala jeeda dhinacyada dagaalamay waxna kaloo ku dhaawacmay tiro kale oo intaasi kabadan.

Cali dhagjar
Garoowe

webmaster@ceegaag.com