shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dayactir lagu sameeyey Wadada laamiga ah ee isku Xidha magaalooyinka laascaanood deegaanka adhicadeeyey(Daawo sawirada)

(Laascaanood,  April 03,  2010 Ceegaag Online)

Wasaarada Hawlaha guud iyo Gaadiidka ee somaliland ayaa dayactir ku samaysan Wadada isku xidha magaalada laascaanood iyo deegaanka adhicadeeyey oo waqooyiga kaga beegan magaalada laascaanood ee xarunta gobolkaasi sool wadadaasi oo ah laamiga oo bur bur lixaad lehi ka soo gaadhay roobabka oo intii bur burkii dagaaladii sokeeyey wadad laamiga ahi ku dhacay bur bur lixaad leh.
 
 
Wasaarada Howlaha guud ayaana wada laamiga ah ee magaalada laascaanood uga baxda dhinaca magaalada burco kusamaysan dayactir aad u muhiim ah oo gaadiidka iyo dadka kale ee isticmaala wadaasi aad ugu farxeen, kadib markii Wasaarada howlaha guud ay shaqaale galisay wadadaasi laamiga ah marisay gidaar wayn oo biyaha ka difaaca wada laamiga ah.
 
intii aan safarka ku jiray ayaa Ceegaag.com waxaa u suurta gashay inaan gaadhigii aan la socday ka dego kadib eego wadada laamiga ah Qaabka Wanaagsan ee runtii wax looga Qabtay, sidoo kale Qaarkamid ah gaadiid layda wadada istimaala ayaa ceegaag.com u sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin dayartirka lagu sameeyey Wada laamiga ah oo horay gaadiid farabadani kala kulmeen dhibaatooyin farabadan oo isugu jira shilal.
 

 

Cali dhagjar
Ceegaag.com
Laascaanood

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com