shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawlada Gobeleedka Puntland oo Maanta ka hadashay dagaalka Cagaare baaqna ka soo saartay

(Garoowe,  April 17,  2010 Ceegaag Online)

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ee dawlada Puntland ayaa maanta markii ugu horaysay ka hadlay Colaada haatan ka soo Cusboonaatay deegaanka Cagaare oo dhawaan laba beeleed oo deegaankaasi wada dega dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac uu mar kale ku dhexmaray haatana laga soo sheegayo in Xiisad Colaadeed kataagan tahay.

Wasiirka Warfaafinta dawlada Puntland oo Maanta saxafiinta kula hadlayey Xafiiskiisa magaalada Garoowe ayaa ugu baaqay dhinacyada Walaala ah inay dagaalka joojiyaan yimaadana Miiska Wada hadalka, loona baahan yahay in Xabada laga daayo dadka shacabka ah ee wada dega labada dhinacba.


Wasiirka Wasaarada warfaafinta isgaadhisiinta hidaha iyo dhaqanka Cabdi Xakiin axmed guuleed ayaa intaasi Raaciyey in Dawlada puntland aad ugu xuntay in dagaalkaasi mar kale dhexmaro labo Beeleed oo ka soo Wada Jeeda deegaanka puntland waxna wasiirku sheegay inay Wadaan Xidhiidho ay la sameeyeen Waxgaradka labada dhinac oo ku aadan sidii Colaadaasi loo soo afjari lahaa.


Ali dhagjar
Ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com