shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dab xoogan oo qabsaday dhismaha xarunta shirkada OPEC ee Magaalada Boosaaso.

(Boosaaso,  April 14,  2010 Ceegaag Online)

Dabxoogan ayaa maanta Qabsaday dabaq kuyaala magaalada Boosaaso oo ay Leedahay shirkada Dhismaha ee Guud ahaan magaalooyinka puntland ee 0pec waxba dabaqaasi oo kuyaalay magaalada Boosaaso bartamaheeda soo gaadhay khasaare xoogag, waxba gabi ahaan shufbeelay Dhisamaha dabaqa shirkada 0PEC ee magaalada Boosaaso.

Dabkaasi oo Socday mudo farabada ayaa lagu Guulaystay inay damiyaan Ciidamada dabdamiska magaalada boosaaso iyo shacabka magaaladaasi oo maanta iyagu kaalin xoogan ka Qaatay inaanu dabkaasi ku fidib xarumaha ganacsiga magaalada Boosaaso oo kuyaalay dabaqa dabkani maanta Qabsaday.

Masuuliyiinta Shirkada Opec ayaa saxaafada u sheegay in dabkani ahaa Mid lagu kaydiyo dhisamaha iyo agabyada kale ee shirkadu Keento gudaha magaalooyinka puntland ayna khasaare xoogani maanta ka soo Gaadhay dabkaasi shirkada dhisamaha iyo badeecooyinka ee Opec.



Ali dhagjar
Garoowe

webmaster@ceegaag.com