shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada amaanka magaalada Boosaaso oo soo qabtay waxyaabaha qarxa Maanta, iyo masuuliyiinta gobolkaasi oo Warbaahinta la hadlay

(Boosaaso,  April 28,  2010 Ceegaag Online)

Ciidamada amaanka magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku soo dhigay Qalab laga soo buuxiyey Waxyaahaba Qarxa oo la dhigay agagaarka Netco ee Bartamaha Magaalada Bosaaso oo la doonayey in Maanta lagu khaarajiyo Qaarkamid Ah Masuuliyiinta Maamulka puntland ee iyagu magaalada boosaaso ku sugan.
 
Wasiirka amniga Puntland Yuusuf Axmed khayr iyo Saraakiil amaanka Qaabilsan oo shir ku qabtay Wasaarada Maaliyada ayaa Qalabkan oo Ah Walxaha qaraxa ku tilmaamay Mid halis badan.
Waxaa kaloo uu sheegay Wasiirka amniga in Bambka la soo qabtay uu yahay Nooca laga hago gacanta ,isla markaana halkii mar uu dilli karo in ka badan 100 ruux oo meelo kala duwan ku sugan.

Yuusuf Axmed Khayr Wasiirka amniga Puntland ayaa sheegay in uu baxsaday Ruuxii Qalabkan wadada dhigay ,Balse ay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu soo qabto danbiilahaasi, Ciidama amaankuna ay raadkiisa ku dabajoogaan.
 

Guud ahaanba Amaanka magaalada Boosaaso ayaa mudooyinka siwayn looga dayrinayaa oo noqday tusbax afka laga furay waxna kaloo Ciidama amaanku magaalada boosaaso habeenkii ka Bilaabeen Roondo ay samaynayaan Ciidamadu oo lagu sugayo amaanka magaalada boosaaso oo inta badan ay buux dhaafiyeen shacab ka kala yimid gobolada dhexe ee somalia.

 
Alidhagjar
Ceegaag.com.
Laascaanood

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com