shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Cabasho ku salysan aflagaado loo geystay Suldaanka beesha Khaalid (Suldaan Siciid Cismaan Cali)

(London,  April 26,  2010 Ceegaag Online)

Ku: Garaad Abdillaahi Garaad Soofe - Buhoodle
ku: Dhamaan Cuqaasha iyo waxgaradka Beesha Ahmed Garaad - buuhoodle



Ujeedo:  Cabasho ku salysan aflagaado loo geystay Suldaanka beesha Khaalid (Suldaan Siciid Cismaan
Cali)

Sidaad la wada socotiin waxaa horaantii bisha Abril 2010ka-,Waxaa tuulada Buurowdal ka dhacday af-lagaado aan waxba xeerin oo loo gaystay Suldaanka Khaalid, Suldaan Siciid Cisman Cali iyada oo la adeegsaday warbaahinta. Ragga fa-lagaadada gaystay, waxay sheegteen inay yihiin isimo iyo cuqaal ka soo jeeda beesha Ahmed Garaad.

Waxaan aamminsanahay in Isimada iyo odayasha Dhulbahante ay mudan yihiin qadarin iyo xushmo soo jireen ah oo aan marna lagu xadgudbi karin . Tolkana waxaa laga sugayaa in ay ilaaliyaan sharafta dadka caleema saartay isimada, iyagoo dhowraya karaamadooda iyo sharaftoodaba.

Siday ahaan jirtay, haddii qabiil nin ka tirsani gef gaysto, waxaa gacanta marin jiray oo ka gar bixi jiray raaska u ka soo jeedo.  Intaan la socono waxaad moodaa ilaa iminka in raggii gafka gaystay jifiday ka soo jeedeen ee Ahmed Garaad inayan ka damqan dhibaatada dhacday. Haddii la jideeyo gefafka noocaas ah oo laga aamuso waa hubaal inay berina ay soo noqon doonaan.

Waa  arrin ugub ah in markii ugu horeysay ay cuqaal  iyo odayaal rag sheeganayaa oo isku jifo ah oo ka soo jeeda beesha Ahmed Garaad ay aflaagado cad isu bahaysteen iyagoo ka sii daayey Warsidayaasha  ah iyagoo aan xeerin xiriirka, tolnimada iyo wada noolaashiha ka dhaxaysa Dhulbante. Arintaas oo aan u aragno mid reebaysa cawaaqb xumo danbe iyo kala fogaasho.

Sidaa darted, haddii aan nahay Beesha Dudub Khaalid, waxaan sugaynaa, jawaab cadna ka rabnaa,  Isimada iyo Cuqaasha beesha Ahmed Garaad, inay meel saraan sababta Suldaankayaga warbaahinta loogu caayay iyo sababta  isimada, odayaasha iyo waxgaradka Ahmed Garaad uga hadliwaayeen gardarada baaxadaas leh.

Haddii aanu nahay beesha Dudub khaalid waxaanan marna raali ka noqnayn in la aflagaadeeyo isimo iyo waxgarad dhulbahante ama soomaaliba.
 
 
Odayaasha Qurbajoogta Beesha Khaalid:
 
 Abdirahman  Said Awale (Gudoomiye)

Col. Mohamed Duacle Abdi

Prof: Yusuf Mohamed Xayd

Dr. Mohamed-deq Diriye Gamdid

Dr Cabdiwahaab Saed Awale

Al-Xaaji Xasan Ibrahim Noor

Dr Carab Axmed Godane

Eng Yusuf Adam Aar

Dr Axmed Ciise Xusein

Rooble X Cali-Deeq

Maqaalkan waxaa nasoo gaadhsiiyay

Sooraan Diriye

onedeeq@yahoo.com

webmaster@ceegaag.com