shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xuska Maalinta Caafimaadka adduunka oo laga Xusay magaalada Garoowe

(Garoowe,  April 07,  2010 Ceegaag Online)

 .

Iyadoo Guud ahaanba Maanta Caalamka siwayn looga Xusay Maalinta caafimaadka adduunka, ayaa dhinaca kale Munaasabad balaadhan oo lagu Xusayo maalinta caafimaadka adduunka lagu Qaytay magaalada garoowe gaar ahaan xarunta maamulka gobolka nugaal kana soo Qayb galeen Masuuliyiinta maamulka gobolka nugaal kan degmada iyo dhamaan marti sharaf kale, sidoo kale Waxaa Munaasabada maalinta caafimaadka ka soo qayb galay xubo katirsan golaha wasiirada dawlada puntland oo ay kamid yihiin Wasiirka caafimaadka Wasiirada haweeenka, wasiiruhu dawlaha maamulka wanaaga iyo madaxtooyada iyo xubo kale oo kamid ah golaha wasiirada.
 
 
Munaasabadan oo maanta ahayd mid aad u balaadhan ayaa looga hadlayey maalinta caafimaadka adduunka ayaa lagu soo Qaaday xaalada caafimaadka dadka kunool gobolada puntland iyo siyaabaha looga hortagi karo caafimaad darada, waxna kaloo halkaasi laga soo jeediyey Qaabka ugu haboon ee Wasaarada Caafimaadka iyo shacabka reer puntland isaga kaashan lahaayeen inay ka hortagaan Waxyaabaha caafimaadkooda wax u dhimaya.
 
 
 
Gabo gabadii munaasabadaasi ayaa laga soo Jeediyey in Guud ahaan gobolada puntland laga joojiyo keenista bacaha iyo waxyaabaha nafaada wax u dhimaya oo laga hortago, waxna kaloo Masuuliyiintii halkaasi ka hadashay ay soo Jeediyeen in maalmaha khamiista ah Guu ahaan gobolada puntland laga dhaqan galiyo in dadwaynaha kunool gobolada degmooyinka iyo tuulooyinku sameeyaan maalin nadaafadeed oo ay kaga hortagayaa wax kasta oo caafimaadkooda wax u dhimanaya

Cali Dhegjar Garoowe

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com