shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Al-shabaab oo yeelata manhaj fiyow,waa awood ummadu u baahantahay.

(Somalia,  April 12,  2010 Ceegaag Online)

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, rabiga Caalamiinka, amaan iyo nabad gelyona  ha ahaato korkiisa kii aanu jirin nebi ka dambeeyaa iyo ahalkiisii iyo asxaabtiisii dhamaan.

Intaas ka dib:

Waxaan shaki ku jirin in in badan oo Soomaali ahi, ay yaabayaan markay arkaan cinwaankan kor ku xusan, waayo warbaahinta inteeda badan loogama baran, in ay yidhaahdaan Ashabaab waa loo baahan yahay, bal mid taas ka soo horjeeda, waxay uga barteen warbaahinta inteeda badan in ay shacabka Soomaaliyeed ugu sawiraan ururkan in uu yahay sharwadayaal iyo argagixiso iwm, hadafkooduna uu yahay oo keli ah in ay wuxuun dilaan, qarxiyaan, weeraraan iwm, iyo in ay yihiin urur uu shisheeye ka

Dambayo oo maamulo, shisheeyahaasuna ay yihiin kuwa wadankeena ku soo duulay, oo raba in ay qabsadaan, oo ka dhigtaan saldhig ay aduunka intiisa kale kaga duulaan. Hadalkan waxaan had iyo jeer ka maqalaa dhinacyo badan oo ku andacoonaaya, oo ay ugu horeeyaan DKMS, oo aan iyagu haba yaraatee la hadhin wax dembi ah, in kastaba ha le’ekaadee, oo aanay ururkan dusha uga tuurin, oo aan shaki ku jirin in eedaymahaas intooda badani yihiin been abuur, ku dar wadamada reer galbeedka oo

Aan iyagu marnaba maqli karin urur islaami ah, oo ku andacoonay in ururkanu  xidhiidh la leeyahay ururka alqaacida ee ay dagaalka kula jiraan, xagoodana dhamaan ururada islaamiyiinta ahi ka yihiin argagixiso, ku dar iyana in badan oo Soomaali ah, oo aan runtii wax aqoon ah u lahayn ururkan, bal se ay uun aad ugu fogaatay necbaansha fidista islaamku, oo ay ugu horeeyaan warbaahinta inteeda badan, waxaan iyana meesha ka madhnayn, bal kuwa ugu sii daran ah wadamada deriska ah, oo iyagu u badheedhay sida DKMS, in ay dembiyo fara badan oo been abuur ah ururkan dusha uga tuuraan, iyaga oo si fiican ugu xog ogaal ah wax uu yahay ururkan Ashabaab

Waxa kuwaas soo raaca oo ah tan ugu la yaabka badan, in ururkan laftigiisu si dadban iyo si toos ahba uga  qayb qaato eedaymaha loo soo jeedinaayo oo ururka dusha looga tuuraayo, taas oo aan shaki ku jirin in ay sabab u tahay, siyaasad xumida madaxda ama siyaasad la’aanta madaxda sare ee ururkan, iyo kibir iyo isla wayni ku baahday xubnaha ururka, sababo muuqda awgood, arimahaas oo dhan inshaa Allaah sida ay aniga iigu muuqato waxaan ku xusi doonaa qoraalkan

Waa kuwama ururka Ashabaab?

Horaan uga qoray qoraal cida ay yihiin ururka Ashabaab, hada se xoogaa uun guud mar ah, oo lagama maarmaan u ah qoraalkeenan baan ka odhanaynaa, ururkanu asal ahaan wuxuu ka soo jeeda jamaacada muslimiinta, ahlu sunnah waljamaacah, waa dhalin yaro ku soo barbaartay manhajka xaqqa ah ee Salafiga ah, ee ah dacwada saafiga ah, ee ku salaysan Allaah tacaalaa wuxuu yidhi, Rasuulkii calayhi salaatu wasalaam wuxuu yidhi, Asxaabtii radiya Allaahu canhumaa waxay yidhaahdeen, ee ka madhan

Bidcada, khuraafaatka  iyo shirkiga noocyadiisa kala duwan, dacwadaas oo ay ahayd in ay waqti dheer socoto intii Allaah ka doono, loogana gol lahaa in muslimiintu laftigoodu dib u bartaan diintooda saxda ah, oo  ay dib ugu noqdaan ku dhaqanka diintoodii asalka ahayd, ee uu Allaah tacaalaa ku soo dejiyay qalbigii Nebi Maxamed calayhi salaatu wasalaam, taas oo ay hadheeyeen qarniyaal waxyaabo badan oo aan ka mid ahayn, oo la soo dhexgeliyay sida wax yaabo ah bidco,khuraafaad iyo shirkiba. Intii ay

 

Dacwadaa barakaysani socotay guulo balaadhan, oo si wayn looga dareemay aduunka oo dhan baa laga gaadhay, waxaa is bedelay wax badan oo ah dhaqankii muslimiinta, waxaa diintii islaamka soo galay oo qaatay dad badan oo aan asal ahaan muslimiin ahayn, markay dareemeen oo arkeen wanaaga islaamka iyo in uu xaqq yahay, hase yeeshee guuldarooyin badan iyo dhibaatooyin islaamka guud ahaan ku habsaday, ayaa waxay soo saartay dhalin yaro badan oo ay raali gelin wayday una adkaysan waayay

 Wadciga maanta islaamku ku sugan yahay iyo dulmiga iyo dulinimada xad dhaafka ah ee dusha ka saaran, taas waxaa markiiba u arkay fursad oo ka faa’iidaystay kooxo islaamiyiin ah, oo hore u jiray oo iyagu uun xukum doon ah, oo raba in ay soo celiyaan khilaafadii islaamka ee burburtay, kooxahanu iyagu ma danayaan barashada diinta, iyo in ay muslimiinta caqiidadooda u saxaan, mana aha ahlu sunnah, ee uun waxay isku bahaysteen xaga siyaasada sida jamaacada Ikhwaan Almusliin iyo kuwa kale, oo waqti

Dheer ku hawlanaa siyaasada, guuldarooyin badana kala soo kulmay halgamadoodii dheeraa, hase yeeshee dhalintaasu kuma biirin kooxahan siday rajaynayeen, waayo waxay ku kala fogaayeen xaga caqiidada, waxay se wax badan ka qaateen dhinacii siyaasada ee ay kooxahaasu u ololaynayeen, waxayna ka sinaadeen in si dhakhsa ah loo oogo dowladii khilaafada islaamka, sidaas waxa ku soo baxay kooxa dhowr ah oo fikirkaa ka soo unkamay, waxayna dhalintanu ka leexdeen jamaacadii muslimiinta

Markay samayeen kooxo, iyada oo aanay manhajka ahlu sunnah ama jamaacada muslimiinta ka mid ahayn,  in ay muslimiintu u qaybsamaan kooxo iyo ururo, bal sida ay diintu u tahay mid keli ah, ayay jamaacada muslimiintuna u tahay mid keli ah, tan kale dhalintanu waxay aad ugu sii fogaadeen oo aad u buunbuuniyeen kuna talaxtageen maslooyin ka mid ah caqiidada iyo diinta guud ahaanba, sida arinta jahaadka iyo gaalaysiinta muslimiinta, taas oo keentay in ay dib ugu dhacaan arimihii bidcada ahaa oo ay mar hore ka soo faraxasheen. Hadaba ururka Ashabaab,  Xisbul islaam, Alitixaad iwm waxay asal ahaan ka soo jeedaan dhalintaa aynu soo xusnay, si kasta arimaha qaar ha ugu kala duwanaadeen ee

Aasaaskii ururka Ashabaab

Anigu runtii xog ogaal uma ihi xiligii la aasaasay ururkan iyo sababaha ka dambeeyay aasaaskiisa toona, laakiin se waxaan shaki ku jirin in uu ururkanu ka dhashay guuldarooyin iyo dhaliilo loo tirinaayay ururadii ka horeeyay ee Soomaaliya, ee islaamiga ahaa, waxana hubaal ah in xubnahooda qaar ka soo mid noqdeen ururadaas, waxaa iyana loo badinayaa in ay ururkan aasaaseen dhalin yaro ka soo noqotay dalka Afqaanistaan, ka dib markii Daalibaan mareekanku ka qabsaday magaalooyinka waawayn ee

Wadankaas, kuwaas oo ay hadana u badan yihiin madaxda sarsare ee ururkanu, Waxa se uu ururkanu soo shaac baxay oo dadka badankiisu bartay, xiligii midowgii maxakamadaha islaamku ay dagaalka la galeen dagaal oogayaashii, ay caasimada Muqdisho u qaybsanayd ee xaraanta ku haystay, waxayna ahaayeen Ashabaab garabka ugu xooga badnaa, ee ay midowgii maxkamaduhu ku tiirsanaayeen xaga dagaalka. Hadaba markii ciidamadii cadawga ee Ethiopia ay wadankeena soo galeen oo jebiyeen

Ciidamadii midowgii maxkamadaha islaamka, ayna islaamiyiintii la galeen dagaal kale, oo ah ku dhuf oo ka dhaqaaq ciidamadii cadawga, ayaa qaar madaxdii sarsare ee midowgii maxkamaduhu debeda uga baxeen dalka, waxayna tageen dalka Eriterea, halkaas oo ay ka dhigteen saldhig ay dagaalka ka maamulaan, muda yar ka dib shirar iyo dhexdhexaadin ay samaysay dawlada Eriterea, waxa magaalada Asmara lagu aasaasay isbahaysi suufalool ah, kaas oo kulmiyay kooxo aad ugu kala fog  xaga caqiidada,

Siyaasada iyo mabda’ba, waxa halkaas isbahaysi ku dhexmaray ururkii midowga maxkamadaha islaamka, bulshada rayidka oo badankoodu ahaa kuwa uga soo horjeeday DKMS qaab qabyaaladeed, waxa iyana ka mid ahaa isbahaysigaa qaar dagaal oogayaashii, waxa kale oo ka mid ahaa kooxo isku magcaabay baarlamaank xorta ah, oo ahaa qolyo laga soo caydhiyay baarlamaanka DKMS, iyo shakhsiyaad kale oo si uun ugu mucaarad ahaa dawladii uu madaxwaynaha ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Hadaba

Isbahaysigan kulmiyay dadkaa ku kala tagsan xaga fikirka iyo mabda’aba, ayaa waxaa aad uga soo horjeestay oo diidma cad oo xoogan kala hor yimid ururka Ashabaab, oo markaas ahaa garab ka mid ururkii midowga maxkamadaha islaamka, hase yeeshee taas waxaa ka dhega adaygay oo ku adkaystay isbahaysigaas madaxdii sarsare ee maxkamadaha, ee ku sugnaa dalka Eriterea! Taasna waxay keentay in ururka Ashabaab ka baxo midowgii maxkamadaha islaamka , oo uu noqday urur goonidiisa u taagan

Sideedabana markii isbahaysigan suufaloolka ah la samaynaayay, waa laga warqabay in Ashabaab diidi doonaan, oo ka baxayaan midowga maxkamadaha islaamka, hase yeeshee sidaas waa loogu tala galay oo waxaa asal ahaan looga gol lahaa isbahaysigan in lagu kala furfuro ururkii midowga maxkamadaha islaamka, dagaalna dhexdooda laga tuuro, iyada oo loo kala qaybinaayo qaar siyaasadoodu debecsan tahay iyo kuwa siyaasadoodu xagjirtahay, arintan waxa ka war qabay uun garab ka mid ah isbahaysigaa

Suufaloolka  ah, waana kuwii markii dambe ka baxay isbahaysiga, ee ka qayb galay shirkii Jabuuti ee uu hogaaminaayay Sh. Shariif, fikradanuna waxay ka soo bilaabantay magaalada Nairobi iyo safaarada Mareekanka ee dalkaa Kenya, markii ciidamada cadawga Ethiopia soo galeen wadankeena oo ay ka itaal roonaadeen ciidamadii midowgii maxkamadaha islaamka, ayaa taasi waxay kicisay shucuurtii shacabka Soomaaliyeed, aduunka intiisa badana waxaa looga arkay gelitaanka ciidamad Ethiopia ee Soomaaliya

Faragelin qaawaan, oo ay Ethiopia kula kacday wadan deris la ah, taas waxa raacday in madaxwaynihii  DKMS waqtigaa Cabdullaahi Yusuf Axmed ay isku dhaceen haya’adaha Samafalka iyo gargaarka lagu magcaabo, oo iyagu runtii ah kuwa xukuma Soomaaliya wixii burburkii ka dambayay, markii uu madaxwayne Cabdullaahi Yusuf Axmed yaqiinsada in aan Soomaaliya xal laga gaadhayn inta haya’adahanu ay siyaasada Soomaaliya gacanta kula jiraan, iyana ay u arkeen in dowladiisu ay

Caqabad ku tahay shirqooladii ay wadankan ku haysteen, ayaa waxa yimid fikirka isbahaysigan oo ay ka soo shaqayeen ama ka dambayeen dowlada Mareekanka, wadamada deriska inla ah iyo dabcan haya’adihii samafalka, wuxuuna ka soo bilaabmay markii si lama filaan ah uu madaxii golaha fulinta ee midowgii maxkamadaha islaamka Sh.Shariif Sh.Axmed, iska soo dhiibay dalka Kenya oo si fiican loogu soo dhowayay, uuna halkaa shirar kula qaatay dhinacyadaa aan kor ku soo xusnay, ugu dambayntiina natiijada ka dhalatay isbahaysigaa waa taa maanta taagan, ee islaamiyiintii madaxa laysu geliyay.

maxaa wanaag ah ee lagu xusuustaa ururka Ashabaab? 

In kasta oo ururka Ashabaab isaga baxay ururkii midowga maxkamadaha islaamka, hadana taasi ma keenin in ay ku kala baxaan labada kooxood dagaalkii ay kula jireen ciidamadii cadawga Ethiopia, bal sidoodii hore bay isaga barbar dagaalamayeen,ilaa ay kaga saareen dalka ciidamadii cadawga Ethiopia. Dhab ahaantii dagaalka xanuujiyay ciidamadii cadawga iyo ragii jiif iyo joogba u diiday waxay ahaayeen ciidamada Ashabaab. Taas ka hor waxay ahaayeen kooxda Ashabaab kuwii soo geba gebeeyay dagaalkii

Ay midowga maxkamaduhu la galeen dagaal oogayaashii gacan ku dhiiglayaasha ahaa, ee mudada 16 ka sano ah ku hayay ummada dhibta iyo halaaga, taas oo albaabada u furtay raja cusub iyo damaca wanaagsan, oo laga qabay in dhibtan dabada dheertay ee wadankeena ka taagan xal loo helo, in kasta oo ay wax laga xumaado tahay in aan laga faa’iidaysan fursadan qaaliga ahayd.  Dhalinta ururkanu waxay ka mid ahaayeen kuwii  Allaah tacaalaa ku caynaaniyay ummada Soomaaliyeed, waqti ay ummadu u

Baahnayd badbaado, waqti ay dhib dhex dhigeen ummada jabhadihii hubaysnaa ee cunsiriyiinta ahaa, ee gacan ku dhiiglayaasha ahaa, kuwaas oo fidno ka dhex abuuray beelihii Soomaaliyeed, sababna u ahayd dagaalkii sokeeye ee wadankeena burburiyay, waqti qof waliba xalaalaystay dhiiga, hantida iyo cirdiga walaalkiisa kale, waqti ay ummadu sidii duurjoogta u dhaqmaysay, ayay kooxihii islaamiga ahaa waqtigaa oo ay Ashabaabna ka mid ahaayeen, ay ka dhex bilaabeen dacwada islaamka, taas oo Allaah

Tacaalaa ku hadeeyay ummad badan, ubadkii soo kacayayna ku heleen barbaarin toosan,ayna runtii wax badan ku yaaraatay cudurkii qabyaalada ee ummada aafaysay hooga iyo halaagana u horseeday. Tan kale ee aan iyana jeclahay in halkan ku xuso, waa in uu ururkan xubnihiisu yihiin dhalin yaro Soomaaliyeed oo ka soo kala jeeda dhamaan beelaha Soomaaliyeed, oo uun ku walaaloobay islaamka, oo aanay dhexdooda ka jirin qabyaalada ummada inteeda kale aafaysay ee shaydaanku ku ibtilayay, ma

Aha iyagu kuwa ku dhaqma dhaqamada xun xun ee ay dhinacyada kale ku dhaqmaan sida boobka, bililiqada, kufsiga, xasuuqa iwm ee ah gabood falada aadka u foosha xun, ee ay dhinacyada kale ee hubaysani  ku caan baxeen, ma aha kuwa marna dalkooda cadaw ku soo hugaamiyay oo dabadhilif u noqday cadawga, sida ay ka siman yihiin dhinacyada kale oo dhami.

Waa maxay iyana xumaantooyinka ay leeyihiin?

Sidaan hore u soo xusay ururkanu waxa ay ka leexdeen jidkii jamaacada muslimiinta markii ay koox samaysteen, kuna fogaadeen oo buun buuniyeen arimaha diinta qaarkood, sidaas darteed waxay fuliyaan xadad ay dad badan ku fuliyeen oo shaki badani hadheeyay cadaalad ahaan, sharci ahaan toodana aan lagu raacsanayn, waayo dee ma ay aha dowlad ama xukuumad si ay xadadka caynkaas ah u fuliyaan, dhacdooyinka qaarkood oo ay warbaahinta ka sii daayeen, waxa ka muuqata arxan daro aad u

Wayn, guud ahaan xukumada ay fuliyaan waxa ka muuqata degdeg iyo ka fiirsasha la’aan. Waxay kaloo ku kacaan arimo ay ku kicistoodu sharci tahay, hase yeeshee aan la gaadhin waqtigii ku haboonaa, bal se ay iyagu degdegsadaan, ruuxuna haduu degdegsado arin aan waqtigeedii la gaadhin, waxa lagu ciqaabaa ka qatanaansheeda, markaa waxaad arkaysaa iyada oo ay arimahaasi iyagii dib ugu soo noqonayaan oo ay ka dhalanayso dhibaato markii hore iyaga ka fogayd, tusaale ahaan qubuuraha ay

Beryahaan dambe burburinayeen, in la burburiyo qubuuraha noocaas ah iyo dhamaan in la suuliyo muqaalada shirkiga ah waa waajib sharci ah, hase yeeshee waxaan shaki ku jirin in ay arintan ku kaceen waqti aan ku haboonayn, waa waqti ay dagaal kula jiraan cadawya badan oo isu bahaystay, sida dowlad ku sheega iyo ciidamada shisheeyaha iyo weliba kooxdan suufaloolka ah, ee cadawga Ethiopia soo hubeeyay oo ku soo kordhiyay saaxada Soomaalida, ee laga soo dhigay koox islaami ah, si aduunka iyo

Shacabka  Soomaalidaba loogu khaldo, laguna qariyo danaha cadawga ee ay u adeegayaan, kuwaas oo loo soo bixiyay magac fiican Ahlu Sunnah Waljamaacah!!!!!! Bal se ah runtii Ahlu bidcah wal khuraafaat wa shirk, waa dagaal oogayaashii oo dib loo soo celinaayo iyo qaar kaloo lunsan iyo jaahiliin laysku dhafay, hadaba iyada oo dagaalku khiyaano yahay, ayay arintan ugu faa’iidaynayaan kooxahaas aan soo xusnay, ururkan Ashabaab waxaa hadheeyay xubnihiisa kibir iyo islawayni xad dhaaf ah, taasuna waa

Mid u horseedi karta guuldarooyin balaadhan, kibirkan iyo islawaynidu marar badan bay u keeneen guul daro, oo ay ahayd in ay deris ku qaataan, tusaale dhowaan markii Allaah tacaalaa waafajiyay guulo badan oo ay ka soo hooyeen dagaalkii ay kula jireen dowlad ku sheega iyo xulufadooda, ayay halkay Allaah uga mahad naqi lahaayeen, bay is mahadiyeen oo qooqeen, waxayna yidhaahdeen ciidamada dowlad ku sheegu ha isku soo dhiibaan mudo todobaad ah, hadii kale ay cagta marin doonaan!!!! Taas

waxaa xigay jawaab aad u culus oo uga timid xaga Allaah, in maalintii todobaad ay iyaga weerar ku soo qaadeen ciidamadii dowlad ku sheega iyo kuwa shisheeyuhuba jab laxaad lehna la gaadhsiiyay ciidamadoodii, lagana qabsaday dhul badan oo ay hore u haysteen, in kasta oo ay markii dambe la soo noqdeen, waxa kale oo ah xumaantooyinka ugu waawayn ee uu ururkanu ku caan baxay qaraxyada aan loo miidaan dayin, ee galaafanaaya dembiile iyo mid aan waxba galabsanba, aana la garanayn waxa ay uga baahan yihiin iyagoo saaxadii dagaalkaba ku adkaaday

 

Gunaanad iyo dardaaran

Marka aynu eegno dhinacyada Soomaaliya ee maanta siyaasada dalka ku herdamaaya, waxaan aaminsanahay in aanay jirin cid dalka iyo dadkaba u dhaanta labadan urur ee Ashabaab iyo Xisbul islaam, iyaguna waxaa ah wax laga xumaado, in aanay ahayn kuwa leh aqoontii siyaasadeed iyo maamul ee ay dowlad ku dhisi lahaayeen, markaa waxaan odhan lahaa waa in ay wax badan ka bedelaan mowqifkooda iyo fikradahooda oo la yimaadaan caqli fiyow, dareemaana marxalada dalku maraayo iyo

khatarta aynu maanta ku suganahay, iyo shirqoolada laftooda lala damacsan yahay, hana ogaadeen in kasta oo horta la doonaayo in Soomaalida laysu adeegsado oo laysku dhameeyo, hadana ugu dambaynta haday taasu shaqayn waydo, aan shaki ku jirin in faragelin debeda ahi imanayso, si aan shirqooladaa u fashilino waa in aad ula timaadaan debecsanaan oo ka dhaaftaan cubudhinta aad Shacabka ku haysaan, bal aad raadisaan si kasta oo aad ku kasban kartaan ummada, munkarka

Suulintiisu haduu keenaayo fidno ka wayn oo uu kugu kicinaayo ummad badan oo aan fahamsanayn in uu munkar yahay, waa in aad iska dhaaftaan waqtigan hada ah, ilaa inta laga gaadhaayo waqti ku haboon suulintiisa, ogowna dowladii kacaanka sababta ugu wayn ee dadka ku kicisay waxay ahayd, in ay Qaadka joojisay, miyaanay iyaguba ku saxsanayn in ay suuliyaan Qaadka munkarka ah iyo musiibada ummada aafaysay? Dabcan waa haa, hase yeeshee ma ay ku kicin waqtigii ku haboonaa, wixii ka

Dhashay ee uu sababayna waa taa aynu ilaa maanta xalka u la’nahay, waa inaad soo dhowaysataan lana tala qaadataan, oo weliba talada iyo aaya ka talinta wax ka siisaan doorka ummada siyaasiyiinta, culimada, waxgaradka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed, ee daacada u ah badbaadinta diintood,wadankooda iyo shacabkooda, ma lihi soo dhowaysta kuwa ay aafaysay ee ay qalbiyadooda ku daxalaysatay islaam necaybku, ee fidista islaamka iyo in laysku xukumo aan jeclayn ee afkaaraha shisheeyaha xambaarsan

Sida Prof.Siciid Shiikh Samatar ee meel walba la taagan islaamkii Soomaalida ee suufiga ahaa baa la bedelay!!!! Wacaayadu billaah Allaah ummadeena kama dhigo kuwa raaca dariiqada lunsan ee, Waa ninka la waydiiyay sida ku haboon ee wax looga qaban karo budhcad badeeda, wuxuu ku taliyay in laga dhaco xoolaha iyo hantida beelaha ay ka soo jeedaan, waayo sidaa gumaystihii Ingriiska baa Soomaalida ula dhaqmi jiray!!! Iyo Faysal Rooble ee u samaystay islaam necaybka mareegta afdheer(wardheer.com)

Ee waxaan u jeedaa in aad soo dhowaysataan oo la tala gashaan kuwa aan islaamka cuqdada ka qabin ee jecel in kastaba ha le’ekaato aqoonta ay u leeyihiin ee, ee ogol in shareecada islaamku aasaas u noqoto xukumka iyo dowlada cusub ee Soomaaliyeed, waa in aydin faraha ka qaadaan oo aydaan weerarin goobaha ay ku shirayaan iyo xubnahooda toona baarlamaanka Soomaaliyeed, baarlamaanku ma aha mid idinla wada dagaalansan, bal kuwa badan oo ka mid ahi kama ay raali aha dagaaladan ay oogayso

Dowlad ku sheegu ay shisheeyuhu dabada ka riixayaan, iyaga oo si fiican uga war haya shirqoolada shisheeyuhu soo maleegaayo, waxa ku badan baarlamaanka dad badan oo wadaniyiin ah oo heelan u ah habeen iyo maalin in ay shacabkooda iyo dalkooda ka badbaadiyaan shirqoolada debeda, heshiiskii bada ee ay dowlad ku sheega iyo Wald Cabdullaah ku iibsadeen badeena, cidna ma soo celin karteen idinka iyo qayrkiin toona, hadii aanu baarlamaanku soo celin, iyada oo ay weliba la daaheen qaraarkaas,

Waayo idinka ayaa caqabad ku ahaa, oo suura gelin waayay in ay shiraan, halkan waxaad isku mowqif noqoteen dowlad ku sheega iyo khaa’inka wayn ee Wald Cabdullaah, ee ay ka go’antahay in ay is hortaagaan oo aanay suura gelin fadhiyada baarlamaanka, si aanay u fashilin shirqoolada iyo khiyaanooyinka ay wadanka ka wadaan, ee cadawgu u soo igmaday.

Siyaasiyiinta, aqoonyahanka, culimada, waxgaradka iyo dhamaanba Shacabka Soomaaliyeed ee xalaasha ah,ee aanay aafayn nin jeclaysiga, qabyaalada iyo islaam necaybku, waxa la gudboon in ay dalkooda iyo dadkooda ka badbaadiyaan shirqoolada iyo dhagaraha cadawga inoo soo maleegay, iyo in dhalinteena lagu dhameeyo dagaalo, in ay ka hor yimaadaan oo diidaan dagaalada ay hurinaayaan, ee ay ku goodiyayaan dowlad ku sheega iyo isbahaysigan xaaraanta ah ee ahlu bidcah walkhuraafaat washirk, ee cadawgu u

Soo igmaday, waa in ay ogaadaan xumaan kasta oo leeyihiin Ashabaab in ay yihiin awood Soomaaliyeed oo ay maanta ummadu u baahantahay, sidaas darteed waa in ay ku dedaalaan oo maqaar ayna ugu fadhiistaan siday wada hadal ula yeelan lahaayeen ururkaas, hadii wada hadaladaas laysku afgarto oo kooxaha islaamiyiinta ahi afkaarahooda wax ka bedelaan, oo wada shaqayn dhex marto intaa aan soo xusay, waxaan shaki ku jirin in aan wadankeena iyo dadkeena kaga badbaadinayno khatar wayn oo ina

Ku soo fool leh, kooxaha islaamiyiintu waxay aasaas fiican u noqon karaan ciidan Soomaaliyeed oo anshax fiican  oo wadanka xasilooni iyo nabad ku soo dabaalah, oo aynu kaga maarano ciidan debeda inooga yimaada, waayo waxa kale ee maanta la dhoob dhoobayaa ee la doonaayo in ay ciidan dalka u noqdaan waa jiri, dhuljiif, dayday iyo mooryaan, mana u noqon karaan haba yaraatee aasaas ciidan Soomaaliyeed oo anshax fiican leh, arintanu waa mid aad u muhiim ah in la fahmo, waayo xataa ciidamadii dowladii

Kacaanka in kasta oo awood ahaan ay tababar fiican qabeen, hadana waxaa aad u xumaa amaba aanay qabin tababar xaga anshaxa iyo asluubta ah, taasuna waa tan keentay oo sabab u ahayd waxyaabaha ilaa maanta shacabka Soomaaliyeed qaarkiis ku cabanaayo, dagaalkii ina dhex maray inaga iyo Ethiopia 1977 kii markii ciidamadii Soomaalidu xoreeyeen dhulkii maqnaa ee Soomaali Galbeed, waxay ka gaysteen dhulkii ay xoreeyeen xadgudubyo aan la soo koobi karin oo leh dhac, bililiqo, kufsi, dil iwm, 

Taas oo keentay in dadkii la xoreeyay ay yidhaahdaan kuwan marabno ee Ilaahow meeshii ay ka yimaadeen nagaga celi, waxaaba noo dhaamay gumaystihii ee, marka dowlada cusub ee Soomaaliya waxaa lagama maarmaan ah in loo helo ciidan anshax iyo asluub wanaagsan leh oo bani aadminimada yaqaana iyo xurmada dadka, kaasna waxa laga heli karaa oo keli ah ururada islaamiyiinta, hadal iyo dhamaan hadaan la helin isoo dhowaansho iyo isfaham dhex mara dhinacyadaa aan soo xusnay oo aan

Dedaal dheeraad ah loo gelin taas, waxaan shaki ku jirin in ugu dambaynta faragelin debeda ahi imanayso, waxaana ka baqaaya in ururada islaamiyiintu ay noqdaan taariikh ina soo dhaaftay uun, taasna waxay ummada Soomaaliyeed khasaareheedu ku tegi doonaa qiima aad iyo aad u sareeya.

Wabillaahi atowfiiq

Essa Mohamoud Aadam

almutawaadic@yahoo.com


 

webmaster@ceegaag.com