shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Allahayow Damiinkiyo Hadee Daasadoolaha

(SSCayn,  April 21,  2010 Ceegaag Online)

Maqaalka todobaadkan waxaan ku falanqaynayaa xaaladda qurba joogta Soomaalida ku nool wadamada dibadda gaar ahaan kuwa u dhashay gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC) iyo kaalinta ay kaga jiraan xaaladda siyaasadaha ee ka jirta dhulka SSC, taas oo hadal haynteedu soo badanayso beryahan danbe.

Waxaa in badan soo noqnoqda dad abaabula ururo magacyo siyaasadeed iyo horumarineed wata oo markii muddo la joogaba la horyimaado dadka arrimo ay leeyihiin waxbaanu wax kaga qabanaynaa dhulkaa ay ka yimaadeen ee SSC. Waxaa jiray ururo horumarineed oo muddooyin hore aad loo wadwadi jiray iyo hadda oo ay soo shaac bexeen kuwo isku tilmaamay ururo siyaasadeed; sida NSUM, Badbaado, Horseed …., oo ay dabada kaga xidhan yihiin kuwo lagu magacaabay Khusuus…..Isimada Buura-wadalIsimada Garoowe…..Xoraynta SSC….IWM

Waxaan maqaalkan kaga hadlayaa kagana digayaa ururada siyaasadda iyo “Xoraynta” (waa sida ay ku sheegaane) iyo sida ay saamaynta ugu yeesheen ama ugu yeelan doonaan dadka qurba lagu xoor ka, dhulka iyo dadka SSC.

Sida aynu ognahay waxa qurbaha inagu soo xooray ee wadankeenii baabi’iyey waxaa ugu weynaa dagaalo siyaasad qabiil lagu abaabulay, kuwaas oo ilaa maanta dabkoodii ololayo magacii iyo maamuuskii ummadda Soomaaliyeedna tirtiray. Miyey hadaba macquul tahay maanta in shakhsiyaad ujeedooyin khaldan lihi inoo horkacaan dariiqaa lagu hoogay iyo dagaal sokeeye oo dhulkeena ka bilaabma? Miyaanay wax lala yaabo ahan in abaabulkaa khaldan ay hormood ka noqdaan dadkeenii ka soo qaxay dagaaladii iyo dhibaatooyinkii Soomaaliya ka dhacay? Ma la is weydiiyeyse cawaaqibka ka iman kara? Runtii waa arrin khatar weyn ku ah dhulka iyo dadka reer SSC oo u baahan in inta waxgaradka ahi ka hortagto.

Waxaan qabaa ururadaasi in aanay ahayn kuwo ujeedadooda dhabta ahi tahay in ay wax u qabtaan ama wax ka qabtaan xaaladaha siyaasadeed, bulsheed ama dhaqaale ee ka taagan dhulkaa SSC, balse ay yihiin kuwo ku yimi danaysi gaara iyo caadifad la soo bood ah oo aan wax sii dheer ahayn. Waxaa inta badan arrimahan hormood u ah laba kooxood oo lagu tilmaami karo “Qabqablayaasha Qurbaha” iyo “Qaxwadoonka Gudaha” oo iyagu had iyo jeer iska kaashada si arrimahaas loogu samayn lahaa xayaysiin iyo xoola ururin.

Arrinta ururada siyaasaddu/jabhadayntu runtii waa mid ku cusub mandaqadda SSC, waase wax hadda in muddo ahba la soo waday oo laga shaqaynayey ololeheeduna socday, iyadoo marba waji loo yeelayey. Sida la ogyahay waxa jira dad badan oo Soomaalida oo dhan ku jira oo aad moodo in khalal maskaxeed uu ka soo gaadhay dagaaladii dhafanaha ahaa ee sokeeye ee socoday muddada soddonka sanadood ku dhow. Waxaa aad ugu badan dadka qurba joogta ah ee ka soo jeeda gobolada SSC dad aan cuduradaa ka bogsan oo aad weli moodo in ay ku jiraan dagaaladii dhulkaa ka socday sannadahii sideedtameeyadii. Waxaa aad ugu abuurmay colaad iyo dad nacayb ku salaysan qabiil iyo qabyaalad. Waa dadka inta badan looga faa’iideysto hormoodna ka noqda ololaynta arrimahan colaad doonka ah…….”Daasadoole”   

Waxaa jabhadihii dawladda Soomaaiya la dagaalami jiray, qaybtana ka qaatay burburkii dawaladdii iyo waddankii Soomaliyeed, oo ay ka mid ahaayeen SNM…..SSDF..USC... isticmaali jireen xirfado dadka ay qabiil ahaan ka soo jeedaan ku soo geliyaan dagaaladoodii ay wadeen. Waxay aad xoogga u saari jireen in dadka Soomaaliya dibadda ka jooga ay u sheegaan in dadkoodii la xasuuqay, xoolahoodii la dhacay, gabdhahoodii la kufsaday, la barakiciye. dadkoodii xabsiyada ka buuxaan oo iyagoon waxba geysan lagu xad gudbo…IWM. Sida la ogyahay dadkaasi waxay noqdeen kuwo maskaxiyan loo baabi’iyey, waxaanad qurbaha iyo gudaha dalkaba ku arkaysaa dadkaa qaar ka mid ah oo waalli iyo miyir qab u dhexeya oo meel walba ku nool. Waxaa ka buuxa nacayb, cuqdad, karaahaysi iyo ka carar dadka walaalahooda ee kale, waa “Dasadoolayaaha” ku lagu tilmaamo. Waxay kuwaasi had iyo goor daasado iyo durbaano u qaataan ololaynta colaadaha beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

Arrintan kor aan ku tilmaamay waxaan uga jeeda uruadan imminka SSC ka soo unkamayaa waxay isku dayeyaan in ay baal ka soo qaataan buugtii ururadaa Soomaaliya burburiyay maskaxda kaga doorin jireen (Brain wash) ummada Soomaaliyeed. Waxaad in badan arkaysaa dad badan oo dadka SSC u dhashay ah oo xaaladdaa waalida ah qarka u saaran. Runtii waa arrin aad khatar u ah gaar ahaan dadka “qurba lagu xoorka ah”, waayo waxay noqdeen dad wax loo sheego oo wax lagu shubto, iyagoo badankooduna xog badan aan ka hayn dalkii iyo waxa ka jira, waana kuwa lagu tilmaami karo “Damiino”. Waxay keentay dad badan oo xataa aan weligeed Soomaaliya arag in la geliyey maskaxdoodana laga buuxiyey nacayb dad kale oo walaalahooda oo muslim oo aan weligeed waxba dhex marin.

Su’aasha hadaba aynu is weydiinaynaa waa; ma dabkii iyo buruburkii aynu ka soo cararnay baynu ka sii shidnaa dhulkeenii iyo dadkeenii? Mise xeelad iyo caqli wanaagsan baynu nabad iyo nolol wanaagan ugu raadinaa? Miyaynaan ahayn dad Islam ah oo qaata amarada ilaahay ee ay  ka mid yihiin “Isu bahaysta ama isu gargaarsada wanaag iyo ilaah ka cabsi; Hana isu gargaarsanina denbi iyo cadawtinimo/colaad ”?

 

Waxaa hadaba looga baahan yahay qof kasta oo Muslim ah oo Soomaali ah:

-     In aanu ka qayb gelin colaad iyo cadaawad oo uu ilaahiisa ka cabsado

-          In aanu taageero ka geysan kana qayb gelin meel dad walaala ah oo muslim ah hub la isugu dhiibayo colaadna la dhex dhigayo.

-          In uu uga digo dadka walaalihiisa in aanay ka qayb qaadan munkar kaa

-          In uu u nasteexeeyo kuwa waxaa ku dhex jira ee dilaaliinta ka ah

-          Inuu ugu duceeya guud ahaan ummadda Soomaaliyeed in sharkaa laga waantoobo

Ugu danbayntii waxaan ku soo gunaanadayaa xaaladda siyaasaddeed ee SSC ma aha mid ay hoggaan u noqon karaan dibad ka yaacayaasha xukun doon ka ah, waa mid u baahan caqli, miisaan, degenaansho iyo maskax wanaagsan oo ay ku dheehantahay asluub iyo ilaah ka cabsi. Ma qabo inay tahay arrin olole colaad abuur iyo caadifad been ah wax lagaga qaban karo. Waa mid u baahan dadka dhulka ku nool ee codka loo diiday in ay hoggaanka u qabtaan. Ummad dhan oo qaran ah oo dalkoodii iyo degaankoodii ku nool kama hagi karaan dibad fog dad yar oo danaystayaal ahi oo dariiq khaldan ku wada.

Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uma baahna maanta colaad huriyaal aan maskax ku filan lahayn. Waxaa loo baahan yahay waa dad nabad doonayaal ah oo caqli wanaagsan leh oo dadaal u gala sidii ummadda Soomaaliyeed ee walaalaha ahi ugu wada noolaan lahaayeen nabad gelyo iyo walaaltinimo waarta. Horumar waxaa la gaadhi karaa marka la helo nabad, taas ayaana waajib ah in qof kasta oo waxgarad ahi ka shaqeeyo kuna dadaalo.  

Gaar ahaan ummadda reer SSC waxay u baahan yihiin horumar, deganaansho, nabad gelyo iyo wada noolaansho dadka walaalahooda ee ay wax walba wadaagaan ee derisyadooda ah. Taa ayaana u baahan dadaal iyo olole lagu sugo laguna xoojiyo.

 

“ILAAHAYAW NIN IYO CALOOSHII”

 

Cabdifatax Maxamed

acilmy@yahoo.com

webmaster@ceegaag.com