shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shil gaadhi oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo galabta Buuhoodle ka dhacay

(Buuhoodle,  April 03,  2010 Ceegaag Online)

Wararka hada naga soo gaadhay magaalada buuhoodle ayaa ku soo waramaya in galabta goor gaaban magaaladaasi uu ka dhacay shil gaadhi oo naxdinle oo sababay dhimasho iyo dhawaac uu galabta magaaladaasi ka dhacay kuna geeriyoodeen Qaarkamid ah haweenka buuhoodle oo magaaladaasi deganaa
 
 
Shilkaasi gaadhi ayaa waxaa ku geeriyootay Amina Herer waxna kaloo ku dhaawac culusi soo gaadhay shamis ibraahi axmed(dheere) oo kamid ahaa Haweenka magaalada buuhoodle,shilkaasi gaadhi oo ahaa kii ugu naxdinta badnaa ayaa yimid kadib markii wiil dhalinyaro ah gudaha u galay gaadhi taagnaa goob laga raaco gaadiidka isagoo aqoon u lahay sida baabuurta loo Wado.
 
Alle ha u naxariistee Amina Here ayaa iminka lagu aasayaa Qabuuraha magaalada buuhoodle waxna kaloo deg deg magaalada looga Qaaday shamis ibraahi axmed oo dhaawac culusi soo gaadhay, shilkani ayaa noqday shilkii ugu naxdinta badnaa ee buuhoodle soo maraya iyadoo.
 
 
TACSI
 
Dhamaan Shaqaalaha shabakada Ceegaa siiba Cali Osman yuusuf iyo xaaskiisa caruurtiisadhamaan ilma dhagjar oo kala jooga Wadanka dibadsiisa iyo gudahiis ayaa tacsi u diraya Eheladii iyo Qaraabadii ay ka geeryootay Marxuumad Amina Herer oo galabta gaadhi ku jiidhay bartaha magaalada Buuhoodle
 

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com