shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shil gaadhi oo sababay dhimasho tiro badan iyo dhaawac oo saaka duleedka Boosaaso ka dhacay

(Boosaaso,  April 03,  2010 Ceegaag Online)

Duleedka Magaalada boosaaso ee xarunta gobolkaasi bari wax saaka subaxnimadii hore ka dhacay shil gaadhi oo sababay dhimasho iyo dhaawac tiro badan kadib markii gaadhi xamuul ahi ku rogmaday duleedka kaantaroolka magaalada boosaaso isagoo soo galiya magaalada wadayna Xoolo nool oo ka soo Qaatay gobolada dhexe ee somalia.
 
Shilkaasi Gaadhi aya saaka waxaa ku dhintay ugu yaraan 3 ruux waxna kaloo ku dhaawacmay tiro kale oo intaasi ka badan sida laga helayo laamaha caafimaadka magaalada boosaaso oo dadkii shilkaasi gaadhi ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba la dhigay.
 
Saraakiisha laamaha taraafikada magaalada boosaaso ayaa warbaahinta maanta u sheegay in shilkaasi gaadhi uu yimid kadib markii Wadaha gaadhigu uu kala baxay Wadada isagoo soo maray taraag dheer kuna soo wajahnaa magaaada boosaaso, dhinaca kale wax dadkii shilkaasi gaadhi maanta ku dhintay loo sameeyey gurmay balaadhan oo lagu aasay Qabuuraha magaalada boosaaso.
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Laascaanood

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com