shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawlada hoose ee Laascaanood oo furtay Qaarkamid ah Wadooyinka degmadaasi iyo cabashooyin ka soo Yeedhaya shacabka Qaarkood

(Laascaanood,  April 28,  2010 Ceegaag Online)

Magaalada Waxa maalmahan kataagnaa Muran xoogan oo u dhaxeeya Dawlaha hoose ee magaalada laascaanood iyo Qaarkamid ah Shacabka magaalada laascaanood oo muran kooda laga dareemayo Guud ahaan degmada laascaanood oo dhan.

 

Murankaasi ayaa yimid kadib markii dawlada hoose ee magaalada laascaanood banaysay Qaarkamid ah Wadooyinka mara gudaha magaalada laascaanood oo sheegay maayarka laascaanood inay tahay Wadooyinkii degmada, waxna arintaasi wada furista muran ka keenay Qaarkamid ah shacabka oo iyaguna dhinacooda ku sheegay inay tahay dhul ay leeyihiin.

 

Degmada Laascaanood ayaana arinta ku saabsan dhulka siwayn looga hadlayaa Waxana maayarka degmada laascaanood uu sheegay inay furayaan Wado kasta oo dadwayaha reer laascaanood dan u ah, kana yeelay dadka doonaya in Wadooyinka magaaladu Noqdaan kuwa gabi ahaan xidhan.

 

Ugu danbaytii Muranka ku saabsan dhulka ayaa wali taagan oo gabi ahaan magaalada laascaanood siwayn looga hadal hayo goobaha dadku isugu yimaado oo arimahaasi lagu Qaadaa dhigayo xiliyada lagu jiro fadhi ku dirirka oo ah goobaha maqaayada ah

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com