shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Roobab sababay Dhimasho iyo dhaawac gaadhaya 5 Ruuxi oo helay Nawaaxiga magaalada Goobwayne, kadib danab ku dhacay Qoys Reer Guuraa ah

(Goobweyne,  April 21,  2010 Ceegaag Online)

Wararka Maanta naga soo gaadhay magaalada goob wayne oo dhinaca bariga kaga beegan magaalada buuhoodle masaafo dhan 35KM ayaa ku soo waramaya in deegaankaasi habeenimadii xalayto roobab mahiigaan ah oo saacado farabadan deegaan kaasi hayey sababay dhaawac ugu yaraan 5 ruuxi iyo in xoolo badan roobkaasi cagta mariyo, kadib markii roobabkaasi oo ahaan kuwa mahiigaan ah oo Wata danab ku dhacay Qoys reer guuraa ah oo degan duleedka magaalada goob wayne.

Hadaba Warkaasi kadib ayaa Ceegaag.com taleefoonka magaalada goobwayne kula Xidhiidhay C/kariin faarax xayd oo kamid ah dadka magaalada goob degan waxna Ceegaag.com waynsiisay sida halkaasi khasaaruhu uga dhacay, C/kariin ayaa Ceegaag.con u sheegay in roobab saacado farabadan guud ahaan nawaaxiga goob ka da,ayey sababay in roobabkaasi sameeyaan danab, danabkaasi oo xalay ku dhacay qoys degan duleedka magaalada goobwayne Xoolo badana cagta mariyey.

C/kariin faarax xayd ayaa sidoo kale Ceegaag.com u sheegay in magaalooyinka madaxgaal marqaan wayne, Xamar lagu xidh habeenimadii xalayto roobab mahiigaan ahi ku hooreen, roobabkaasi khasaaraha ay gaysteen kadib dadka iyo duunyaduba aad ugu farxaan iyadoo dadka Reer guuraagu soo mareen abaaro iyo biyo la,aan xoogan.

Dhinaca kale wararka aanu ka helayno isla deegaankaasi ayaa ku soo Waramaya in roobabkaasi deegaano kale ku dileen dad Qoysas reer guuraaga ah Xoolo badana uu roobabkaasi cagta mariyey.

Cali Dhagjar

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com